Latest News
Powered by Blogger.

ads

[The New Movie][featured][recent][7]

Culture

Style2

Style3[OneLeft]

Style3[OneRight]

clean-5

Style4

Video Of Day

Pages

Popular Posts

Sunday, June 21, 2015

Filimka ABCD 2 Lacaga Lagu Qarash Gareeyay, Tiyaatarada La Saaray Iyo Sida Uu Guul Ku Gaari Karo




Filimka ABCD 2 Lacaga Lagu Qarash Gareeyay, Tiyaatarada La Saaray Iyo Sida Uu Guul Ku Gaari Karo



Filimkan Dance-ga ku saabsan waxaa wada jilayaan Varun Dhawan, Shraddha Kapoor iyo Prabhu Deva wuxuuna ku socdaa xawli aan caadi ahayn kaasi oo sababi karo inuu gaaro darajo ahaan Super Hit ama Blockbuster!

Hadaba hoos kaga bogo xog ku saabsan filimkan lacagaha lagu qarash gareeyay, guud ahaan tiyaatarada la saaray iyo sida uu guul ku gaari karo.

Filimka ABCD 2 waxaa maalintii jimcadii ahayd la saaray 2,550 tiyaatar ee ku yaalo gudaha dalka Hindiya.

Filimka ABCD 2 waxaa lagu qarash gareeyay 60 Crore ($9.68M) hadii aan lacagtaan sii faah faahino 45 Crore waxay ku baxday sameynta filimkan iyo lacagaha shaqaalaha guud la siiyay halka 10 Crore ayay ku baxday xayeysiinta iyo suuq geynta filimkan loo sameeyay.

Filimkan waxaa isla qarash gareeyeen shirkadaha UTV iyo Walt Disney Pictures ka hor intii aan tiyaatarada la saarin filimkan labadan shirkadood lacagaha hoos ku qoran ayaa usoo laabatay:

Xuquuqda Satellite oo ay iska iibiyeen (Satellite Rights) waxay ka heleen: 15 crore

Halka Muusigada iyo heesaha filimkan oo siweyn u gadmeen ay ka heleen: 8 Crore



Sidaa darteed ka hor intii aan filimkan la saarin kooxda iska leh waxaa usoo laabtay 23 Crore qayb ka mid ah qarashkii ka galay.

Sidaa darteed jimcadii markii tiyaatarada kala duwan la saarayay labada shirkad ee filimkan iska leh waxay u baahan yihiin in 37 Crore uu tiyaatarada ka keeno filimkan waayo 23 Crore waxay ka heleen Satellite Rights iyo heesihii gadmeen.

Hadaba kooxda cajaladaha qaybiso (Distrubuters) iyo kuwo tiyaatarada iska leh (Exhibitors) waxay macaash heli karaan marka uu filimkan keeno lacago badan.

Sidaa darteed ABCD 2 waa inuu 74 Crore keeno labo qayb ayaa loo qeebinaa madaama kooxda cajaladaha qeybisay iyo kuwa tiyaatarada iska leh dhig ka qaadan doonaan midaas oo ka dhigan in 37 Crore ay shirkada qarash gareesan qaadan doonto halka 37 Crore iyadana ay qaadan doonaan kooxda qaybisay cajaladaha maraas laba dhinac wax qasaaro ah ma qabaan.

Ugu dambeyntii anagoo og in ABCD 2 laga rabo 37 Crore inay uga soo laabato kooxda filimkan qarash gareesay marka tiyaatarada la saaro xaalkiisa sidaan ayuu noqon karaa:

Hadii uu keeno 25 Crore waa filim bur buray waayo 25 crore labo u qeybi waa 12.5 Crore ayaa koox walbo kusoo aadeyso waana qasaaro madaama ay qarash gareeyayaasha 37 Crore ka maqan tahay.

Hadii uu 40 Crore keeno waa Flop filim lagu qasaaray waayo koox walbo 20 Crore ayay qaadanee qarash gareeyayaasha qasaaro ayaa ugu sugan.

Hadii uu 60 Crore keeno waa Average waayo koox walbo 30 Crore ayay qaadanee waxaana ka luntay kaliya 7 Crore kooxda qarash gareesay.

Hadii uu keeno 75 Crore wixii ka badan waa Hit waayo koox walbo 37 Crore iyo ka badan ayay qaadaneysaa.

Hadii uu 100 Crore ka badan keeno waa Super Hit waayo koox walbo 50 Crore iyo ka badan ayay heleysaa

Hadii uu 130 Crore ka badan keeno waa Blockbuster waayo koox walbo 65 Crore iyo ka badan ayay heleysaa.

www.somfreefilms.com
Som films
Abra Studio Presents
  • Blogger Comments
  • Facebook Comments

0 comments:

Post a Comment

Item Reviewed: Filimka ABCD 2 Lacaga Lagu Qarash Gareeyay, Tiyaatarada La Saaray Iyo Sida Uu Guul Ku Gaari Karo Rating: 5 Reviewed By: Unknown